Dastuurka Soomaaliya
Dastuur waa heshiis bulsho oo wadajir loo ayido. Saddex (3) shaqo oo dowladnimada bud—dhig u ah, ayuu dhig iyo lool iyo udub dhexaad u yahay. Dhismo dowlad, kala xaddeyn xukun iyo dhowridda xuquuqaha asaasiga ah ayuu dastuurku, dhid baa.
(1) Dhismo dowlad; Saddexda hey’adood ee dad xukuma, dowladna xaddeeya ayuu dastuur dhisaa. Wuxuu dhidibada u taagaa hey’adaha sharci dejinta, fulinta iyo garsoorka dal leeyahay.
(2) Kala xaddeynta dhardhaarada; Dastuurku waxuu kala xaddeeyaa, isu dheelitiraa, isla xisaabtanka hey’adaha sharciga dejinta, fulinta iyo garsoorka. Saddexda dhardhaar ee dowladnimadu ka kooban tahay ayuu dabar, xad iyo xudduud u kala dhigaa, si aysan isu baadin.
(3) Xuquuqaha; Dastuurku wuxuu damaanad qaadaa, si dhab ahna u dhowraa xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinku leeyahay. Muwaadinka cidi kama xayuubin karto xuquuqdiisa, ilaa uu xad gudbo mooyee. Xad gudubka laftiisa ayaa u baahan caddeyn iyo in sifo sharciya loo maro. Sifooyinka sharci ee la marayo ayaa dastuurku caddeeyaa.
Taariikhda Dastuurkeenna
Sida caalamka intiisa badan dalkasta dastuur u leedahay ayuu dalkeennu, dastuur u yeeshay xorriyaddii kaddib.
June 21, 1960 ayaa Soomaaliya, dastuurkii ugu horreeyey yeelatay. Waa shan (5) beri ka hor xorriyadda Gobolada Waqooyi iyo toban (10) cisho ka hor xorriyadda iyo midowga labada gobol. Dastuurkeenna oo wakhtigaa ku meel gaar ahaa ayaa dhaqan galay July 1, 1960.
Waxaa wadajir u saxiixay dhaqangalkiisa Aadan Cabdulle Cusmaan ( Guddoomiyaha Golaha Shacabka), Cabdullaahi Ciise Maxamuud (Ra’iisul Wasaare), Maxamed Sheikh Gabyoow (Wasiirka Dastuurka) iyo Sheikh Maxamuud Maxamed Faarah (Wasiirka Garsoorka).
Sanad kaddib, June 20, 1961 ayaa afti dad weyne lagu ansixiyey, rasmina noqday. Boqol iyo shan (105) qodob iyo shan (5) lifaaq oo af Talyaani, ku qoran ayuu ka koobnaa.
Taariikhda Soomaaliya, ebid tiradii ugu badneyd ee coddeysa ayaa u codeysay dastuurkeenna. Malyuun, sagaal boqol iyo konton kun (1,950,000) iyo jar jar ayaa ansixisay. Boqol siddeetan iyo labo (182) kun ayaa diiddey oo u dhiganta sagaal dhibic afar (9.4%) boqolkiiba. Hal dhibic todobo (1.7) malyuun ayaa aqbashay.
Waxuu ku meel marey sagaashan dhibic lix (90.6%) boqolkiiba.
Waxaa xusid mudan in boqolkiiba lixdan (60%) Gobolada Waqooyi diideen ansixinta dastuurka cusub. Boqol (100) kun oo muwaadin ayaa Waqooyiga Soomaaliya, ka coddeysay. Sababta ayaa loo aaneeyaa salluug awood qeybsiga taabanaya oo Waqooyigu tirsanayey.
Lixdan (60) sano kaddib waan ka guurney dastuurkii hore. Hadda dastuurkeennu waa federaal, saddex (3) lakab (heer) oo dowladeed isa suraya.
February 2004 ayaa dastuur federaal la qaatay. Lix iyo toban (16) sano kaddib waa mashruuc aan dhammaan, oo lagu mushaar qaato iyo qabyo aan afti loo qaadin.
August 1, 2012 ayaa ku meel gaar ergo ku meel marisay Mogadishu. Lix boqol labaatan iyo kow (621) ergo oo kamid ah siddeed boqol iyo shan iyo labaatan (825) ergadii o loo asteeyey ayaa u coddeysay. Saddex iyo toban (13) xubnood ayaa diiddey. Kow iyo toban (11) xubnood ayaa ka aamustay. Sagaashan lix (96%) boqolkiiba ayuu ku ansaxay.
Dastuurkeennu hadda waa shan iyo toban (15) cutub, oo ka kooban boqol, afartan iyo saddex (143) qodob iyo afar (4) lifaaq oo astaanta qaranka, calanka iyo shuruuc horutebin leh taabanaya.
Konton iyo todobo (57) qodob ayaa damaanad qaadaya xuquuqaha asaasiga ah. Hayeeshee, waa dastuur callow iyo cillado miiran ah. Ma kala haadinayo hey’adaha dastuuriga ah. Sharci dejintu, ansixin oo keliya ayey awooddaa. Xukumaddu maahan fuliye oo keliya ee ayada ayaa xeerarka dalka xudumisa. Wakiilka shacabku waa labo shaadh leh xagga iyo xaggeer xil ka haya.
Waa mashaqo madaxu minjo yahay, minjuhuna labo madax oo kor u jeeni qaaran yihiin.
Kafadda hufnaanta dastuur dal leeyahay la saaro waa (1) kala madax bannaanida hey’adaha dastuuriga ah, (2) isla xisaabtanka/ is dhammeystirka dhardhaara dheriga kariya iyo (3) dhowridda xuquuqda muwaadinka.
Saddexdaas sifo, haddii mid (ama dhammaan) dastuurka dal leeyahay lumiyo, bulshadu galbeed ayey beri ku khaladdaa. Jihaduna waa luntaa!